Dib u cusbooneysii Ceymiskaaga Caafimaadka
Dib u cusbooneysiinta sannadlaha ah ee Medical Assistance iyo MinnesotaCarewaxey dib u bilaaban doontaa 2023.
U diyaar garow dib u cusbooneysiinta ceymiskaaga caafimaadka.
U fiirso Ogeysiiskaaga Dib u Cusbooneysiinta
Haddii aad hesho adeegyada Medical Assistance, waxaad filan kartaa inaad hesho foomamka dib u cusbooneysiinta ilaa laba bilood ka hor bisha aad markii hore codsatay ceymiska caafimaadka. U fiirso goobaabinta buluuga ah marka ay tahay waqtiga dib u cusbooneysiinta!

Ma guurtay saddexdii sannadood ee tagay? Cusbooneysii ciwaankaaga, talefoon lambarkaaga iyo ciwaanka iimeylka maanta.
Jadwal usamee Ballantaada Cusub
View this calendar in your browser here.
Naga soo wac 651.489.2273 si laguu caawiyo.
Su’aalaha inta badan la weydiiyay
Hoos ka hel jawaabaha su’aalaha sida guud loo weydiiyay ee kusaabsan dib u cusbooneysiinta. Haddii su’aashaada aan laga jawaabin, fadlan nala soo xiriir.
-
Waa maxay dib u cosbooneysiin?
Dib u cusbooneysiinta waa dib u eegis lagu sameeyo dakhligaaga iyo macluumaadka kale si loo eego haddii adiga iyo xubnaha kale ee qoyska aad wali u-qalantaan Medical Assistance (MA) ama MinnesotaCare.
-
Immisa jeer ayaan u baahanahay inaan dib u cusboonaysiiyo ceymiskeyga caafimaadka?
Inta badan dadka iska diiwaangeliyay MA iyo MinnesotaCare waxey leeyihiin dib u cusbooneysiin sanadkiiba mar.
-
Waxaan diiwaan gashanaa sannad wax ka badan. Maxaanan u helin dib u cusbooneysiinta KMedical Assistance ama MinnesotaCare?
Si aad u ilaaliso ceymiskaaga caafimaadka inta lagu guda jiro xaaladda dag-daga ah ee COVID-19, dib u cusbooneysiinta daryeelka caafimaadka ee MA iyo Minnesota waa la joojiyay. Dib u cusbooneystiinta wey bilaaban doontaa mar kale.
-
Goormee ayaan heli doonaa foomamka dib u cusbooneysiinteyda?
Haddii aad leedahay MA, waxaad filan kartaa inaad hesho foomamka dib u cusbooneysiinta qiyaastii laba bilood ka hor bisha aad markii hore codsatay ceymiska caafimaadka. Tusaale, haddii aad codsatay Julaay, foomamkaaga dib u cusbooneysiinta MA ayaa laguugu soo diri doonaa bisha Maajo. Ha walwalin haddii aadan xusuusan bishii aad codsatay. Foomamka dib u cusbooneysiinta ayaa laguu soo diri doonaa marka la gaaro waqtiga dib u cusbooneysiinta MA-gaaga.
Haddii aad leedahay MinnesotaCare, waxaad filan kartaa inaad hesho foomamka dib u cosbooneysiinta Oktoobar 2023.
-
Maxaan filan karaa marka la gaaro waqtiga dib u cusboonaysiinta?
Qiyaastii lix usbuuc ka hor inta aanad boostada ku soo dirin foomamka dib u cusbooneysiinta, waxa aad heli doontaa warqad kuu sheegeysa sida aad isugu diyaariso iyo si aad ka fiiriso dib u cusboonaysiintaada boostada.
Marka la gaaro waqtiga dib u cusbooneysiintaada, foomamkaaga dib u cusbooneysiinta iyo tilmaamaha ayaa laguudu soo diri doonaa boostada.
-
Sideen ku heli doonaa foomamkeyga dib u cusbooneysiinteyda?
Waxaad foomamkaaga dib u cusbooneysiinta ka heli doontaa boostada. Waxaa loo diri doonaa ciwaanka boostada ee feylka loogu tala galay MA ama kiiskaaga MinnesotaCare.
-
Sideen ku hubiyaa inaan ku heli doono foomamkeyga dib u cusboonaysiinta ee boostada?
Haddii aad guurtay, hubi inaad ka warbixiso ciwaankaaga cusub isla markiiba.
Haddii aad leedahay MA, ama qoyskaagu leeyahay labadaba MA iyo MinnesotaCare, wac dagmadaada ama wakaalada qabiilkaaga.
Haddii aad leedahay MinnesotaCare, ka wac Taageerada Macmiilka Daryeelka Caafimaadka ee DHS 651.297.3862 ama 800.657.3672.